Ministry of Interior, Federalism and Reconciliation

Guriceel District Council Formation

26 Jan

Guriceel District Council Formation

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, wuxuu hambalyo u diray gudoomiyaha la doortay ee degmada Guriceel Farax Cabdi Ahmed iyo ku xigeenkiisa, Shafici Jamac Cabdi,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku amaanay golaha deegaanka ee Guriceel, sida ay u wajaheen doorashadadaas oo deganaan ku soo dhammaatay.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Guricel , sida hufan oo ay uga qeyb qaateen doorashada gudoonka degmada , sidoo kalena bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug oo hirgelisay doorashada,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Madaxweynaha Galmudug.