19
Jan
Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug mudane Omar Gure
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Mudane Omar Gure Ayaa maanta kulan howleed shaqo la qaatay Maamulka Degmada Cadaado ayadoo Diirada lagu saaray sidii loo dar-dar galinlahaa Howlaha shaqo iyo Sidii ay degmadu uga faa’idaysan lahayd Mashaariicda cusub ee la hirgalin doono sanadkaan.
Agaasime Omer Gure ayaa sidoo kale kormeeray howlaha shaqo ee kasocda xaafiiyada kala duwan ee maamulka asagoo balan qaadaay inay xooga saari doonaan tayaynta xirfada maamul ee howl wadeenada Degmada Cadaado oo ka mid ah Degmooyinka leh maamul ay bulshadu Soo dooratay ayaa mudadii koobnayd ee uu shaqaynayay maamulkaas samaysay Hormar la taabankaro.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Mudane Omar Gure ayaa kula dar daarmay in shaqada si daacad ah u gutaan Shaqaalaha iyo Maamulka Degmada Cadaado.
