Ministry of Interior, Federalism and Reconciliation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Omar Gure ayaa Magaalada Mogdisho kaga Qaybgalay

10 Dec

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Omar Gure ayaa Magaalada Mogdisho kaga Qaybgalay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dawlad Gobaleedka Galmudug mudane Omar Gure ayaa Magaalada Mogdisho kaga Qaybgalay shirka Dib-U-Eegista Hanaanka Dhab-U-Heshiisiinta Qaran oo Halkaas ka furmay maanta asagoo socondoona maalmaha soo socda.
Mudane Omar Gure ayaa ka hadlay muhiimada uu uleeyhay reer Galmudug shirka Dib-U-Eegista Hanaanka Dhab-U-Heshiisiinta Qaran, Agaasimaha ayaa aad ugu dheeraaday in dadka Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin in loo sameeyo Dib – u-hishiisiin dhab ah.
Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Mudane Ahmed Moalim Fiqi waxuuna ku amaanay shaqada ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug iyo Agaasimaha Guud mudane Omar Gure.
XAAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWAYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA GALMUDUG.