29
Jan
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Omar Gure ayaa ka warbixiyay Barnaamjiyada xasilinta ah ay wasaaradu ka wado degmooyinkaas iyo Qorshaha Guud Ee Barnaamijka Xasilinta loo diyaariyay
Agaasimaah Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug Omar Gure ayaa ka Qaybgalay shir looga arinsanayay Sidii Gargaar Deg deg ah loo gaarsiin lahaa Degmooyinka dhawaan la xoreeyay ee Xarardhere, Galcad iyo Ceeldheer.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa kulanka Furay waxaana kaloo qaybgalay wasiirada Qorshaynta, Gargaarka, Caafimaadka, beeraha, Agaasimaha Madaxtooyada, agaasimayaasha Caafimaadka, Gargaarka iyo dhamaan Hay’adaha arrimaha Gargaarka ka shaqeeya ee degan Galmudug.
Agaasimaah Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug Omar Gure ayaa warbixin ka jeediyay goobta asagoo soo bandhigay baahiyaha ka jira deegaanka iyo meelaha muhiimka ah ee ubaahan gar garaarka deg dega ah.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Omar Gure ayaa sidoo kale warbixiyay Barnaamjiyada xasilinta ah ee ay wasaaradu ka wado degmooyinkaas iyo Qorshaha Guud Ee Barnaamijka Xasilinta loo diyaariyay.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoo lagu balamay in si deg deg ah looga hawl bilaabo degmooyinka khawaarijta laga xoreeyay ee Xarardhere, Galcad Iyo Ceeldheer.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA GALMUDUG.