Ministry of Interior, Federalism and Reconciliation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kubaaqay in la caawiyo degmooyinka la xoreeyay

13 Feb

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kubaaqay in la caawiyo degmooyinka la xoreeyay

(DG) Omar Gure, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib U Heshiisiinta Galmudug Oo ku Baaqay ina la caawiyo Degmooyinka la xoreeyay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha, Fedaralka iyo dib U heshiisiinta Galmudug Omar Gure oo ka hadlay shirka isku xirka Howlaha xasilinta ayaa ka sheekeeyay xldaha Nololeed ee ay ku sugunyihiin Bulshada ku nool Goobihii laga xireeyay Argagixisada.

Agaasime Omar Gure ‘ waad Dareemi kartaan dad 15sano ku dhex noolaa Caburinta iyo tagrifalka cadowga, dhamaanba waxaa meesha ka baxay waxkasta oo uu ay ubaahnaayeen bulshadaas Sida caafimaadki, waxbarahadi, Biyihii iyo xoolahoodi iyo ganacsigi oo cadawgu ka dhacay, waxay dadkaasi ubaahanyihiin Gargaar deg deg ah iyo in loo barbaariyo haykalkii Dowladnimada’

DG Omar Gure agaasimaha wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib uheshiisiinta ayaa Sidoo kale ugu baaqay bulshadu inay dhedooda is caawiyaan isna garab siiyaan.

Ugu danbeynti Asagoo ku hadlaya magac wasaaraadda arrimah Gudaha Federaalka iyo Dib Uheshiisiinta mudane Omar Gure ayuu shirka soo xiray Asoo shiraani Noqondoono mid bile ah lagu mideeyo gargaarka lagaarsiinayo Degmooyinka la xoreeyay.