CONSULTATION Workshop ON LOCAL GOVERNMENT INTERNAL AUDIT MANUAL (Aqoon iswaydaarsi la tashi ah oo ku saabsan buuga hantidhawrka gudaha ee dawlada hoose)
Date: 12-Feb-2025 Location: Cadaado
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ee Galmudug ayaa magaalada Cadaado ku qabatay kulan latashi ku saabsan diyaarinta iyo hirgelinta Hagaha Gudaha ee Kormeerka Maaliyadeed (Internal Audit Manual) ee dowladaha hoose.
Kulankan oo si guul leh u qabsoomay ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo hab-maamul wanaagga maaliyadeed ee degmooyinka. Waxaa ka qayb galay maamulka degmada, khubaro iyo wakiillo bulshada deegaanka.
Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dawladaha hoose ee Galmudug. ✅
Wasaaraddu waxay ku bogaadineysaa dhamaan ka qeybgalayaasha doorkooda muhiimka ah ee dhanka fikirka iyo talooyinka lagu horumarinayo maamulka maaliyadda dowladaha hoose.
#Galmudug #Cadaado #Latashi #InternalAudit



















