Ministry of Interior, Federalism and Reconciliation

CONSULTATION WORKSHOP ON THE LOCAL GOVERNMENT BUDGETING GUIDELINES IN CADAADO DISTRICT. (Kulan Latashi oo ku saabsan Hagaha Miisaaniyadda Dowladaha Hoose ee ka dhacay degmada Cadaado)

24 Feb

CONSULTATION WORKSHOP ON THE LOCAL GOVERNMENT BUDGETING GUIDELINES IN CADAADO DISTRICT. (Kulan Latashi oo ku saabsan Hagaha Miisaaniyadda Dowladaha Hoose ee ka dhacay degmada Cadaado)

Date: 24-February-2025            Location: Cadaado-Galmudug State

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ee Galmudug ayaa degmada Cadaado ku qabatay kulan latashi ballaaran oo ku saabsan Hagaha Miisaaniyadda Dowladaha Hoose (Local Government Budgeting Guidelines).

Kulankan oo socday muddo dhan maalin ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda hannaanka miisaaniyad dejinta dowladaha hoose, sida loo hubin karo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo in miisaaniyaduhu noqdaan kuwo si waafaqsan shuruucda loo diyaariyay. Intii uu socday kulanka, ka-qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa qorsheynta iyo adeeg bixinta bulshada.

Waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Cadaado, khubaro ku takhasusay maaliyadda iyo maamulka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhammaantood ku dhiirraday in la helo nidaam miisaaniyadeed oo hufan oo lagu taageero maamulka daadajinta ee Galmudug.

Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo Wasaaraddu ka qaaday dhanka xoojinta awoodda iyo hannaanka dowladaha hoose si loo helo maamul daadajin dhab ah oo shacabka ka tarjumaya. ✅

#Cadaado #Galmudug #Latashi #Budgeting #LocalGovernance