Ministry of Interior, Federalism and Reconciliation

Madasha Agaasimayaasha Guud (DGs Forum)

14 Jul

Madasha Agaasimayaasha Guud (DGs Forum)

🟢 WASAAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERALKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA DOWLADDA GALMUDUG

Date: 14-July-2025          Location: Dhusamareb

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa maanta, 11 & 12 July 2025, magaalada Dhusamareb ku qabatay Madal Wadatashi oo ay ka qeyb galeen Agaasimayaasha Guud Galmudug (DGs Forum).

Kulankan ayaa si rasmi ah loogu furay khudbadda uu soo jeediyay Wasiir Ku-xigeenka MoIFAR Galmudug State, isagoo ku boorriyay ka qeybgalayaasha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta maamulka iyo adeegyada degmooyinka.

Waxaa kulanka ka qeyb galay 53 qof, kuwaas oo ka socday Wasaaradaha iyo waaxyaha kala duwan ee maamulka, iyadoo lagu wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta hufnaanta maamulka wadashaqeynta, iskaashiga, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Kulankan wuxuu xoojinayaa iskaashiga ka dhexeeya Wasaaraddaha si loo gaaro maamul hufan oo waxtar leh oo u adeegaya bulshada Galmudug.

#MoIFAR #Galmudug #Dhusamareb #DGsForum #MaamulkaDegmooyinka #Iskaashi #Horumar