29
Jun
Wadatashi lagu ansixinayo xeerarka cusub ee maaraynta qashinka adag (Validation Workshop on the Revised Solid Waste Management Bylaws)
🟢 WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA, FEDERALKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA DOWLADDA GALMUDUG
Wasaaraddu waxay maanta oo taariikhdu tahay 29-June-2025 ku qabatay magaalada Cadaado kulanka Wadatashiga lagu ansixinayo Xeerarka Cusub ee Maaraynta Qashinka Adag (Validation Workshop on the Revised Solid Waste Management Bylaws).
Kulankan hal-maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galay 25 qof, oo ka socday maamulka degmada iyo waaxyaha deegaanka, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday sidii loo hirgelin lahaa xeerarkan si wax ku ool ah oo lagu dhowrayo nadaafadda iyo bilicda magaalada.
#MoIFAR #Galmudug #Cadaado #Nadaafad #Wadatashi #QashinkaAdag

